Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo Kismaayo ka Daahfuray Shirka Dib-u-Eegista iyo Qorshaynta Barnaamijka Tallaalka

0
191
Agasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Jubaland maxamed xuseen maxamed ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ka daahfure shirka dib Eegista iyo qorshaynta Tallaalka ee Jubbaland.
Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa lagu falanqeynayaa xaaladda guud ee barnaamijka tallaalka ee gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa adeegyada caafimaad ee la xiriira tallaalka carruurta iyo dadka waaweyn.
Furitaanka shirka waxaa ka qayb galay Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, Iskuduweyaasha Caafimaadka ee Gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo, saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda, iyo wakiillo ka socda hay’adaha bahwadaagta la ah Wasaaradda ee taageera barnaamijyada talaalka.
Ujeeddada shirka ayaa ah in dib loo eego guulihii laga gaaray barnaamijka tallaalka, caqabadihii soo baxay sanadkii la soo dhaafay, iyo in la sameeyo qorshe cusub oo lagu horumarinayo adeegyada tallaalka mustaqbalka dhow.