
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Dowladda Jubbaland ayaa booqday dhismaha cusub ee wadada isku xiri doonta Buula-Gaduud iyo Afmadow, taas oo haatan maraysa meel wanaagsan isla markaana si weyn ugu dhow deegaanka Janaa Cabdalla.
Waddadan oo lagu dhisayo iskaa wax u qabso ayaa la filayaa in ay wax weyn ka beddesho isku socodka dadka iyo ganacsiga badeecadaha ee deegaanadaas.
Ku-simaha Taliyaha Qaybta, ahna Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada (CID), Kabtan Cumar Xujaale Cabdi, ayaa bogaadiyey saraakiisha fulinaya hawsha dhismaha iyo suggida amniga.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







