Wasiirka Xanaanada Xoolaha dowlada Jubbaland oo Xarigga Ka Jaray Xarunta Cusub ee wasaarada oo Laga Dhisay Dhoobley

0
163
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Jubaland, oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Degmada Dhoobley, ku-xigeenkiisa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, iyo hawlwadeeno kale oo ka tirsan Wasaaradda, ayaa  si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta cusub ee Wasaaraddu ku yeelan doonto magaalada Dhoobley.
Xaruntan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Wasaaraddu ku doonayso inay ku xoojiso adeegyada ay bulshada u hayso, gaar ahaan kuwa la xiriira kobcinta iyo horumarinta kaabayaasha xoolaha, dhirta iyo daaqa ee Jubaland.