
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowlada Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa kulan muhiim ah ku qabtay xafiiskiisa, kaas oo uu la yeeshay Isku-duwayaasha Caafimaadka ee Gobollada iyo Degmooyinka Jubaland.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha caafimaad ee ka socda deegaanada Jubaland, iyadoo la falanqeeyay caqabadaha jira, fursadaha horumarineed, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta u dhaxeysa xafiisyada caafimaadka heer gobol iyo degmo.
Agaasimaha Guud ayaa kula dardaarmay Isku-duwayaasha in ay si joogto ah u hormariyaan adeegyada ay bulshada u hayaan, loona gudbo hannaan midaysan oo adeegyo caafimaad tayo leh lagu gaarsiiyo dhammaan deegaannada Jubaland.









