Degdeg:Ciidamada dowladda Jubbaland iyo Xoogga Dalka oo Howgal Wadajir ah ka Fulinaya deegaanada Waqooyiga Jubbada Hoose

0
181
Ciidamada Dowladda Jubaland ayaa howgal ballaaran ka wada deegaanada waqooyiga Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo ay si wadajir ah uga qeyb qaadanayaan qaybaha kala duwan ee ciidamada Jubaland, kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ee qaybta 43-aad, iyo kumaandooska Danab.
Howlgalkan ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay kooxaha Argagixisada ku lahaayeen deegaano ku dhow wabiga Jubba iyo wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Kismaayo iyo Jilib. Ciidamada ayaa ku guuleystay inay burburiyaan saldhigyo iyo goobo ee ay Argagixisadu ku dhuuman jireen.
Howlgalka ayaa weli socda, waxaana la filayaa in uu sii ballaarto maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo in deegaanada ay weli ku sugan yihiin kooxaha Argagixisada laga sifeeyo.