Agaasimaha Guud ee w.Caafimaadka oo soo xiray shirka sanadlaha ee M.FARID

0
215

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa  si rasmi ah u soo xiray Shirka Sanadlaha ah ee Dib-u-eegista Mashruuca FARID, kaas oo ka socday deegaano hoos yimaada Dowladda Jubaland.

Shirkan oo socday muddo saddex maalmood ah, ayaa waxaa ka qayb galay Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, Iskuduweyaasha Caafimaadka ee Gobollada iyo Degmooyinka, la-taliyeyaal caafimaad heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, iyo sidoo kale saraakiil ka socotay hay’adaha bahwadaagta la ah Wasaaradda Caafimaadka Jubaland.

Intii uu shirku socday, waxaa lagu soo bandhigay warbixinnada waxqabadka hay’adaha fulinaya mashruuca FARID, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha sanadka soo socda. Sidoo kale, waxaa madasha lagu qabtay dood wadaagyo ku saabsan guulaha iyo casharradii laga bartay mashruuca, iyadoo mas’uuliyiintii ka qayb gashay ay si isku mid ah u muujisay in mashruucu uu wax weyn ka beddelay nolosha bulshada ka faa’iideysatay.