Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland oo degmada Afmadow ka daahfurtay tababar ku saabsan xirfadaha hoggaaminta sare ee wax ku oolka ah

0
249
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Jubbaland ayaa degmada Afmadow ka daahfurtay tababar ku saabsan xirfadaha hoggaaminta sare ee wax ku oolka ah, kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah.
Guddoomiye ku-xigeenka degmada Afmadow, Mr. Dalmar Caagane Shafat, oo ka qayb galay furitaanka siminaarkan, ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay hoggaaminta wanaagsan, iyo baahida loo qabo in la joogteeyo wada-hadallada loo dhan yahay, si kor loogu qaado wacyiga bulshada.
Tababarkan oo ay ka qayb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa ahaa aqoon-is-weydaarsi lagu xoojinayo xiriirka bulshada, hufnaanta hoggaaminta, iyo doorka saxaafadda ee horumarinta bulshada.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Jubbaland ayaa ku howlan dardargelinta firfircoonida shaqaalaha iyo horumarinta xirfadaha hoggaaminta iyo farsamada gacanta, si loo helo adeegyo tayo leh oo waafaqsan qorshaha horumarinta maamulka Dawladda.