Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubbaland oo Qabatay Kulanka Latashiga Siyaasadda Dalxiiska Jubbaland

0
170
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubbaland ayaa  qabatay kulanka latashiga siyaasadda Dalxiiska Jubbaland, kaas oo lagu dejinayo jihada iyo qorshaha horumarinta Dalxiiska Jubbaland.
Kulanka oo uu furay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubbaland Mudane Cabdifataax Maxamed Mukhtaar, ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Jubbaland, ururada bulshada, ganacsatada, milkiilayaasha hoteellada, shirkadaha diyaaradaha, iyo daneeyayaal kale oo ku shaqo leh arrimaha Dalxiiska.
Siyaasadda Dalxiiska Jubbaland ayaa ah mid muhiim u ah qorshaha horumarinta gobolka, iyadoo lagu hagi doono horumarinta goobaha Dalxiiska, dhiirrigelinta maalgashiga, ilaalinta deegaanka, kor u qaadista dhaqanka iyo abuurista fursado shaqo oo cusub.
Latashigan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu dhisayo siyaasad Dalxiis oo mideysa aragtida Jubbaland, si Dalxiisku uga noqdo tiir muhiim ah oo kobciya dhaqaalaha, xoojiyana sumcadda iyo soo jiidashada Jubbaland.