Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Jubbaland oo kulan la qaadatay ururuda haweenka

0
272
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamed Ibraahim Oogle, oo ay weheliyaan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Wasaaradda, ayaa kulan la yeeshay haweenka u dhaqdhaqaaqa arrimaha haweenka iyo bulshada.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo ururrada bulshada rayidka ah ee ka shaqeeya horumarinta Arrimaha bulshada.
Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in Wasaaradda ka go’an tahay taageeridda iyo dhiirrigelinta haweenka, isagoo ballanqaaday in la xoojin doono wadashaqeynta si loo xaqiijiyo horumar waara oo ku saleysan is-kaashi iyo midnimo.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda ay ugu jirto sidii loo adkeyn lahaa xiriirka kala dhaxeeya ururrada bulshada iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada.