
Qaar kamid ah Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Jubbaland iyo Maamulka Degmada Doolow oo ay weheliyeen Mas’uuliyiin kale ayaa maanta booqasho ku tagay Deegaanka Buulo Qalooc ee hoos yimaada Degmada Doolow, Gobolka Gedo.
Wafdigan ayaa kormeer ku sameeyay goobaha laga fuliyay Mashruuca SomRep, iyagoo qiimeeyay waxqabadka iyo saameynta uu mashruucaasi ku yeeshay nolosha bulshada deegaanka. Intii kormeerkoodu socday, waxay sidoo kale kulamo wadatashi la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada ka faa’iidaystay mashaariicda horumarineed ee Dowladda Jubbaland ka fulisay degmadaasi.
Mursal Maxamed Khaliif, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Jubbaland, ayaa warbaahinta u faahfaahiyay ujeedada kormeerkooda maanta, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga bulshada iyo dowladda si loo sii xoojiyo mashaariicda horumarineed ee deegaanka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







