
Shir muhiim ah oo ay yeesheen laamaha amniga iyo maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo ayaa laga soo saaray awaamiir muhiim u ah amniga, bilicda, iyo horumarka magaalada.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ka dhaxeeya hay’adaha amniga iyo bulshada, iyadoo la isku raacay in la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu dardargelinayo amniga iyo iftiiminta magaalada.
Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo iyo Ciidanka Booliiska degmada ayaa soo saaray awaamiir lagu xaqiijinayo amniga iyo bilicda magaalada.
Awaamiirtaas waxaa ka mid ah in la mamnuucay in gaadiidka tagaasida la saaro bacad madow (beensal), iyadoo la sheegay in cid kasta oo lagu arko arrintaas la ganaaxi doono.
Sidoo kale, shirkadaha bixiya korontada ayaa lagu amray in baal kasta oo ay leeyihiin ay ku xiraan layr, kaas oo ka qeyb qaadanaya iftiiminta magaalada iyo kor u qaadidda bilicda.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







