Madaxweynaha Dowladda Jubbaland oo Kismaayo dib ugu soo laabtay kadib safar shaqo

0
145
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Magaalada Kismaayo, kaddib safar shaqo oo uu maalmahan ugu maqnaa dalka dibaddiisa.
Waxaa Madaxweynaha soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, xubno ka tirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda Jubaland, iyo dadweyne Kala duwan.