Wasiirka Caafimaadka dowladda Jubbaland oo Guddoomiyay Shirka Billaha ah ee Shaqaalaha Wasaaradda

0
160
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowlada Jubaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa  guddoomiyay shirka billaha ah ee shaqaalaha wasaaradda, kaasi oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Jubaland.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Kusimaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Waaxda Xaaladaha Caafimaadka Degdegga ah, ee Wasaaradda Dr. Maxamed Shaciye , madax qeybeedyada, saraakiisha wasaaradda, iyo Iskuduwayaasha Caafimaadka gobollada iyo degmooyinka Jubaland, kuwaas oo qaarkood kulanka uga soo qaybgalay habka fogaan aragga.
Intii uu shirku socday, madaxda waaxyaha, iyo iskuduwayaasha caafimaadka gobollada iyo degmooyinka ayaa soo bandhigay warbixinnada howlaha ay u qabsoomeen bishii September, Sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray kulanka dardargelinta howlaha muhiimka ah ee horyaala wasaaradda, iyo xal u helidda caqabadaha jira si loo xoojiyo adeegyada caafimaadka ee bulshada loo fidiyo.
Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jubaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa uga mahadceliyay shaqaalaha wasaaradda dadaalkooda iyo sida ay ugu adeegayaan bulshada Wuxuu sidoo kale kula dardaarmay in la sii xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka ee laga hirgelinayo deegaanada Jubaland.