
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, ahna Kusimaha Madaxweynaha, Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, kuxigeennadiisa iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta Jubbaland, Mudane Mohamed Ibraahim Ogle, oo ay wehliyeen masuuliyiin kale, ayaa kormeer shaqo ku tagay dhismaha xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland.
Xaruntan cusub oo dhismaheedu meel wanaagsan marayo ayaa la filayaa in dhawaan uu xariga ka jaro Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam.
Intii lagu guda jiray kormeerka, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa Kusimaha Madaxweynaha iyo wafdigiisa warbixin faahfaahsan ka siiyey marxaladda dhismaha iyo heerka uu marayo.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







