Guddoomiyaha Afmadow oo xariga ka jaray xarun cusub oo shidaal siin doonta Gawaarida

0
192
Guddoomiyaha dagmada Afmadow ahna Duqa magaalada Cabdiraxmaan Macallin Cali(Xaaji Maaji) ayaa xariga ka jaray xarunta Jubba petroleum oo dhowaan laga hirgaliyay dagmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, taasi oo kor u qaadeysa fursadaha maalgashi iyo koboca dhaqaalaha degmada.
Munaasibada xarig jarka ayaa waxa ka soo qayb galay maamulka dagmada, odeyaasha dhaqanka, qurbo-joogta degmada, Culimo awdiin iyo marti sharaf kale.
Kaalintan shidaal ayaa qayb ka ah horrumarka ka socda degmada iyadoo ay fursad shaqo abuur u noqoni doonto dhalinyaro badan oo reer Afmadow ah.
dhanka kale xarunta Cusub waxa ay door wayn ka qaadaneysaa ganacsiga, koboca dhaqaalaha iyo bilicda Degmada Afmadow.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Macallin Cali(Xaaji Maaji) ayaa ugu baaqay bulashada deeganka dal iyo dibadba in ay qayb qaataan horrumarka sida xawliga ah ku socda, waxa uuna intaas raaciyay in fursado maalgashi oo badan ay yaallaan Afmadow iyo Guud ahaan Jubbaland.