
Shir degdeg ah oo looga hadlayey saadaasha cimilada iyo roobab mahiigaan ah oo la filayo in ay ka da’aan qaybo ka mid ah Jubbaland, gaar ahaan Degmada Badhaadhe ee gobolka Jubadda Hoose, ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka dowladda Jubbaland.
Shirka waxaa shir-guddoominayey Wasiirka Gargaarka Jubbaland, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo qaybaha kala duwan ee hay’adaha dowliga ah ee Jubbaland.
Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga dooday diyaargarowga looga hortagayo saameynta taban ee ka dhalan karta roobabka mahiigaanka ah iyo daadadka xooggan ee la saadaaliyey.
Shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Jubbaland ay ku xaqiijinayso ka hortagga musiibooyinka iyo u diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah ee saameyn kara bulshada ku nool deegaannada xeebaha iyo kuwa ay fatahaaduhu halista ku yihiin.







![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







