Maxkamadda darajada 1aad ee CQS oo go’aan ka gaartay wiil la isku heystay maalmahan

180

Cumar Cali Axmed oo dhawaan sheekadiisu qabsatay baraha bulshadu ku xariirto ka dib markii ay isku qabsadeen laba reer ayaa maanta Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ay go’aan ka gaartay kiiskiisa.

Cumar ayaa ka mid ahaa dhallinyaro ku dhaawacantay qarax ka dhacay xerada Nacnaca xilli loo qorayay ku biirista Ciidanka Qaranka.

Is qabqabsi kadib, baaris ay sameeyeen CID-da iyo Maxkamadda Ciimada qalabka sida  ayaa wiilkaan si rasmi ah ugu wareejisay reerka wiilkaan oo la cadeeyay inay dhaleen Reer Cali Axmed.

Maxkamadda Ciidamada ayaa caddeysay in Wiilkaan dhibanaha u ah Qarax Khawaarijtu u geysatay isaga iyo saaxiibadiis  sannadkii 2022 uu yahay Cumar Cali Axmed sidaas ayaana loogu wareejiyey reerkiisa.

Go’aanka Maxkamadda ayaa yimid kadib in kabadan 3 Todobaad oo la sugayay natiijada Baaristii Dheecaanka hidda raaca (DNA).