
Maalintii 2aad waxaa Garoonka Kismaayo ka socda Shirka hormarinta Garoomada oo ay soo qabanqaabisay Wasaarada Gaadiidka Dowlada Jubbaland.
Garoonka Diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ee magaalada Kismaayo waxaa markiisii labaad ka qabsoomay shir looga hadlayay kor u qaadidda tayada Garoomada Soomaaliya.
Intii uu socday Shirka waxaa looga hadlay u diyaar garowga Hay,adda International Civil Avaiation Organization(ICAO) oo Garoomada kala ah Kismaayo, Garowe, Boosaaso iyo Baydhabo ku samayn doonto qiimayn ah heerka amniga garoomada iyo heerka ay gaarsiisantahay shaqada kasocotay tayadeeda.
Shirka waxaa goob joog ahaa khubaro ka socotay Hay,adda Duulista Rayidka Soomaaliya, kuwaas oo Kismaayo joogi doona sadexda todobaad ee ianagu soo fool leh, si ay tababaro u siiyaan qeybaha kala duwan waaxaha garoonka gaar ahaana waaxda duulista hawada.
Shirkan oo ahaa mid muhiima ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Jubaland mudane Maxamed Cabdi Salaad, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista ee Jubaland mudane Saacid Cabdullahi
Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada mudane Maxamuud Ciise Xarbi, Agaasimaha Waaxda Gaadiidka Dhulka ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Cabdixakiim Cali Aadan, Agaasimaha Waaxda Duulista ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubaland mudane Rashiid Cawaale, Taliyaha iyo Taliye kuxigeenka amniga Garoonka, masuuliyiinta Shirkadaha Diyaaradaha iyo bahwadaagta kale we Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista ee Dowladda Jubaland.







![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







