Wasaaradda Arimaha guddaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Jubbaland oo maanta qabatay Kulan wadatashi ah oo ku saabsan hannaanka xoojinta awoodda bulsho iyo Maamullada gudaha ah ee loodhan yahay

107
Wasaaradda Arimaha guddaha,Fadaraalka iyo dib u heshiisiinta Jubbaland ayaa maanta qabatay Kulan wadatashi ah oo ku saabsan hanaanka xoojinta awoodda bulsho iyo maamullada gudaha ah ee loodhan yahay,
Kulankan oo uu daah-furay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha gudaha Fadaraalka iyo dib u heshiisiinta Jubbaland ayaa waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Wasaaradda Maaliyada iyo Hormarinta Dhaqaalaha, Guddomiyaha gobolka Jubbada hoose,
Gudoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada, maamulada degmooyinka Badhaadhe iyo Dhoobley, Gudoomiyaha daladda bulshada rayidka ee JUNSA, xubno kasocday dadka baahiyaha gaarka qaba, Odoyaasha iyo Haweenka degmada iyo sidoo kale qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Kismaayo.