Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo la kulmay wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda ee Qatar

832

wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaaq Maxamuud ayaa la kulmay wasiiru dowalaha arrimaha dibadda ee dowladda Qatar mudane Suldaan bin Sacad,labada wasiir ayaa ka wada hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal.

wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo ku sugan Doxa ayaa si gooni goni ah ula kumay qaar ka mid ah wasiiradda Arimaha dibadda ee dalalka Carabta.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaaq ayaa uga mahad celiyay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda dalka Qatar Suldaan Bin Sacad.

Taageerada ay had iyo jeer la garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya, waxaana uu ka dalbaday inay kordhiyan maadaama dalka Soomaaliya uu yahay mid  soo maraydhibaatooyin kala duwan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo kusugan Doxa ayaa si gooni goni ah ula kumay qaar ka mid ah wasiiradda arimaha dibadda ee dalalka Carbta, isaga oo kala hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageerada siiya Dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegay inay sigaar ah saaxiib ula tahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin