Masuuliyiin ka socda Wasaaradda Caafimaadka dowladda Jubbaland oo Kormeer qiimayn adeegyada caafimaad ah utagay Dhoobleey

0
358
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer iyo qiimeyn ku sameeyeey adeegyada caafimaad ee ka socda degmada dhoobleey,
wafdiga ayaa booqday qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Guud iyo Xarunta la tacaalidda nafaqadarada iyaga oo indho-indhayn ku sameeyay adeegyada caafimaad ee halkaasi ka socda. Isku duwaha caafimaadka degmada dhoobleey Mudane Cabdifitaax Axmed Maxamed ayaa masuuliyiinta uga warbixiyay xaaladda guud ee goobaha la booqday, guulaha la gaaray, iyo caqabadaha wali taagan ee u baahan wax ka qabasho.