
Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa waxaa safar shaqo ku tagay madaxa qeybta Duumada (Malaria) ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada dowladda Jubbaland, Mudane Cabdiqadar Maxamed Cali Waxaana halkaas si diirran ugu soo dhoweeyay madaxa isbitaallada ee gobolka Gedo, isku-duwaha caafimaadka ee degmada Ceelwaaq, iyo bahda caafimaadka ee degmada Ceelwaaq.
Mudane Cabdiqadar Maxamed Cali ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka ee degmada Ceelwaaq, kuwaas oo ay ka mid yihiin Isbitaalka Guud ee degmada Ceelwaaq, xarunta hay’adda HDC, xarunta hay’adda ADA, iyo xarunta hay’adda Zamzam Foundation.
Intii uu kormeerka ku guda jiray, wuxuu faray shaqaalaha caafimaadka in ay si daacadnimo iyo karti leh u gutaan waajibaadkooda shaqo.
Sidoo kale, wuxuu ballanqaaday in Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland ay ka shaqeyn doonto sidii loo dabooli lahaa baahiyaha caafimaad ee ka jira degmada Ceelwaaq.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







