Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo Nairobi ku qaabilay Xamse Warfaa, Lataliyihii Hore ee Joe Biden

0
428
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa magaalada Nairobi ku qaabilay Xamse Warfaa oo horey u ahaa lataliyaha Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Joe Biden.
Kulankan oo ka dhacay hoyga uu Madaxweynaha Jubaland ka degan yahay Magalada Nairobi ayuu Madaxweynuhu xog-warran ka siiyay Xamse Warfaa xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, isagoo xusay dadaallada Dowladda Jubaland ay ugu jirto xasilinta iyo horumarinta deegaanada Dawladda Jubaland.
Xamse Warfaa ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jubaland kulanka uu qaabilay, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay wadaagista aragtiyaha iyo xogta ku saabsan xaaladda Soomaaliya.