0
401
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa munaasabad si heer sare ah loo agaasimay u sameysay Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare), oo safar shaqo ku jooga dalka Maraykanka.
Munaasabadda soo dhoweynta, oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka, siyaasiyiin hore, ganacsato, ururrada haweenka, odayaasha dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Hoolka lagu qabtay xafladda ayaa si buuxda loo camiray, iyadoo dadkii kasoo qayb galay ay muujiyeen kalgacal, ixtiraam, iyo taageero xooggan.
Xildhibaan Xasan Yare, oo khudbad qiimo badan ka jeediyay munaasabadda, ayaa bulshada uga warbixiyay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan duullaannadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku qaaday deegaanada Jubbaland, iyo sida shacabka geesiyaasha ah ee Jubbaland uga hortageen. Wuxuu sidoo kale jaaliyadda ku dhiirrigeliyay inay sii laba-jibaaraan taageerada, midnimada, iyo garab istaagga ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka.
Xildhibaan Xasan Yare ayaa si weyn looga yaqaan difaaca qaddiyadda Jubbaland iyo danaha shacabka reer Jubbaland. Waxaa si weyn loogu xusuustaa doorkiisii firfircoon ee uu ka qaatay ka-hor-imaatinkii muddo-kororsigii dowladdii hore, iyo dhiirranaantii uu ku diiday cadaalad-darrada ay dowladda hadda jirta ku hayso shacabka Jubbaland. Wuxuu sidoo kale qayb ka ahaa koox xildhibaanno federaal ah oo taariikh dahabi ah ka sameeyay xilligii duullaankii Raaskaanbooni iyo xaaladaha cakiran ee gobolka Gedo.
Waxqabadka Xildhibaan Xasan Yare kuma koobna oo kaliya fagaarayaasha siyaasadda; wuxuu sidoo kale ka hirgeliyay deegaan doorashadiisa mashaariic horumarineed oo muhiim ah, sida ceel-biyoodyo, iskuullo, isbitaallo, iyo xarumo adeegyo dadweyne oo ku yaalla degmooyinka Dhoobley, Kismaayo, Afmadow iyo tuulooyinka hoos yimaada. Sidoo kale, wuxuu fududeeyay fursado waxbarasho gudaha iyo dibadda ah, kuwaasoo ay ka faa’iideysteen arday badan oo reer Jubbaland ah, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ardaydaas ay maanta bulshada ugu adeegayaan xirfadihii ay soo barteen.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota, oo si weyn ula socota kartida, waxqabadka, iyo mowqifka cad ee Xildhibaanka, ayaa munaasabadda ku muujisay kalsooni iyo taageero buuxda. Waxay ku amaaneen sida uu had iyo jeer ugu taagan yahay difaaca danaha shacabka Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya.