Shirweynaha Dowlad-goboleedyada ee Ololaha Kordhinta Shaqaalaysiinta Dumarka ee Agaasime-Guud, Agaasime-Waaxeed, iyo Madax-Qaybeed ayaa ka furmay magaalada Kismaayo ee Dowladda Jubbaland.

0
317
Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, oo ay weheliyaan Guddiyada Shaqaalaha Rayidka ee Dowlad-goboleedyada dalka, ayaa si wadajir ah u daahfuray shirweynahan, iyadoo xoogga la saarayo awood-siinta dumarka iyo ka qeybgalka hoggaanka xafiisyada dowladda.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Jubbaland, Mudane Ibraahim Maxamed Qooshow, oo khudbad ka jeediyay shirweynahan, ayaa sheegay in wasaaraddu u taagan tahay xaqiijinta iyo dhaqan-gelinta qorshayaasha lagu hubinayo in dumarka ay si muuqata uga qeyb qaataan maamulka iyo shaqooyinka xafiisyada dowladda.
Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga ee Dowladda Jubbaland oo shirka ka qeybgalay, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in gabdhaha lagu dhiirrigeliyo ka soo muuqashada hay’adaha bulshada loogu adeego, isla markaana loo abuuro fursado ay uga qeyb qaataan miisaska go’aannada waaweyn lagu gaaro.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Jubbaland, Mudane Siyaad Carays, oo hadal ka jeediyay shirkan, ayaa carrabka ku adkeeyay in guddiga ay mudnaanta koowaad siinayaan shaqaalaysiinta iyo awood-siinta dumarka.