Madaxweynaha JFS Oo sheegay in Dowladda ay xoogga saartay dagaalka dhanka Dhaqaalaha ah ee ka dhanka ah Maleyshiyadka Alshabaab

466

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda ay xoogga saartay dagaalka dhanka Dhaqaalaha ah ee ka dhanka ah Maleyshiyadka Alshabaab waxaana uu tilmaamay in la xiray lacag badan oo telefoonno ku jirtay.

Madaxweyne Xasan ayaa shaaciyay in dagaalka dhanka dhaqaalaha uu yahay mid ficil ah, Dowladda Federaalka ayuu sheegay in ay howlan tahay soo bandhigista khasaaraha ka gaaray Maleyshiyadka Alshabaab dagaalkaas.

Waxa uu u digay Dadka la tacaamula ama dhaqaalaha siiya Maleyshiyadka Alshabaab waxaana uu sheegay in laga daba-tagi doonno qofkii lagu soo qabtana arrintaan lala xisaabtami doono waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah Maleyshiyadka Alshabaab uu yahay mid saddex jiho ka socda kuwaas oo kala ah: Dagaalka tooska ah ee militariga, kan Maaliyadda & Fikirka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in Dowladda Federaalka ay xoogga saartay fulinta howlgallada muddada Kooban gacanta lagu dhigay Magaalooyin muhiim ah oo qaarkood Maleyshiyadka Alshabaab ay maamulayeen in ka badan 10 sano.