Wasaaradda Caddaaladda Jubbaland oo Tababar ku saabsan Wadaxaajoodka Bulshada ka Furtay Dhoobley

0
295
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubaland ayaa Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ka daah furtay tababar ku saabsan xirfadaha curinta wadaxaajoodka bulshada iyo bahda caddaaladda.
Tababarkan ayaa waxaa ka qayb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada, xeer-ilaalinta, CID-da iyo maamulka degmada.
Furitaanka tababarka waxaa si rasmi ah u daah-furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubaland, mudane Cabdullaahi Cabdiqaadir Aadan (Qaanuni).
Ujeeddada tababarka ayaa ah in bulshada iyo hay’adaha caddaaladdu ay helaan xirfado iyo faham wadaxaajood oo wax ku ool ah, si loo horumariyo xalinta khilaafaadka iyadoo loo marayo waddo nabadeed, loona dhiso kalsooni iyo iskaashi dhexmara labada dhinac.