Xildhibaan Faarax Macalin oo ay waheliyaan wasiiro ka tirsan dowladda jubblandoo kulan la yeeshay saraakiisha amniga ee degmada Ceelwaaq

0
425

Xildhibaan Faarax Macalin Bishaar oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana soo jeeda degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo oo ah deegaanka doorashadiisa, ayaa maalmahan ku sugan degmadaas isaga oo ku howlan hawlo shaqo.
Xildhibaanku wuxuu kulan looga hadlayay xaaladda amniga ee degmada iyo deegaanada hoos yimaada la qaatay maamulka magaalada iyo saraakiisha ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala Ceelwaaq.
Kulanka waxaa Xildhibaanka ku wehelinayay wasiiro ka tirsan Dowlad-goboleedka Jubbaland, xildhibaano heer dowlad-goboleed ah iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka Gedo.
Sidoo kale, Xildhibaan Faarax Macalin Bishaar ayaa degmada Ceelwaaq ka wada dardargelin iyo dib-u-habeyn ballaaran oo loo sameynayo Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee Guutada 3-aad ee ka howlgala degmadaas.