
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta u fadhiisatay dhageysiga labaad ee dacwad ciqaabeed uu eedeysane ka yahay Cabdiqaadir Maxamuud Xasan, oo ka tirsan Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbaland, kaas oo horay ugu dilay Marxuum Aadan Maxamed Maday oo ka mid ahaa shacabka degmada Kismaayo.
Dhageysigan labaad waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda, ku-xigeenadiisa, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada, baaraha kiiska, qareenka difaacaya eedeysanaha, marqaatiyaal goob joog ahaa xilligii uu falka dhacay, iyo ehellada eedeysanaha iyo marxuumka.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim, ayaa furay fadhiga maxkamadda, isagoo faahfaahiyay ajandaha dhageysigan iyo marxaladda uu kiisku marayo.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, Gaashaanle Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali, ayaa sharaxay eedaha xafiiskiisu kusoo oogay eedeysanaha, wuxuuna soo bandhigay caddeymaha la xiriira kiiska.
Dhankiisa, baaraha kiiska ayaa maxkamadda ka hor sheegay natiijooyinka baaritaanka iyo xogtii ay ku ogaadeen. Sidoo kale, mid ka mid ah marqaatiyaashii goob joogga ahaa ayaa sharaxaad ka bixiyay sida uu u dhacay falka dilka.
Qareenka difaacaya eedeysanaha, Aaden Bahdoon Ibraahim, ayaa dhankiisa soo bandhigay qodobada uu ku difaacayo eedeysanaha.
Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ayaa soo xiray fadhiga, iyadoo maxkamaddu ay sii wadi doonto dhageysiga kiiska.





![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







