Ciidamada Daraawiishta Dowladda Jubbaland oo Howlgallo lagu Sifeynayo Khawaarijta ka wada Deegaanno hoos yimaada Degmada Badhaadhe.

0
345

Ciidamada Daraawiishta Dowladda Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaannada hoos yimaada magaalada xeebeedka kudhaa ee degmada Badhaadhe kaas oo lagu bartilmaameedsanayey kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanayay halkaasi.

Howlgalkan oo lagu xaqiijinayay amniga deegaannada ayaa waxaa iska kaashaday Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska Dowladda Jubbaland.

Ujeeddada howlgalka ayaa ahayd in laga cirib tiro kooxaha amniga lidka ku ah, isla markaana la xaqiijiyo xasilloonida iyo nabadgelyada deegaannada Xeebaha ee gobolkan Jubbada Hoose.

Taliyaha ku-xigeenka Ciidamada Daraawiishta degmada degmadaBadhaadhe, Abdullahi Nuur Faarax, oo warbaahinta la hadlay kadib howlgalka, isagoo sheegay in ciidamadu ay sii wadi doonaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, laguna baacsanayo kooxaha Khawaarijta inta ay ka dabar go’ayaan guud ahaan gobolka.