
Xubnaha labada Gole ee Dowladda Jubbaland u matala Gobolka Gedo ayaa shir muhiim ah ku yeeshay magaalada Kismaayo, iyagoo diiradda saaray xaaladda ka taagan gobolkaasi, gaar ahaan arrimaha amniga iyo faragelinta siyaasadeed ee kooxda Xasan Sheekh Maxamuud ay ka wadaan gobolka.
Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen xildhibaanno ka tirsan golaha wakiilada dowladda jubbland, wasiiro, iyo masuuliyiin kale oo Jubbaland ah, ayaa lagu falanqeeyay xaalada amni-darro ee sii kordheysa, faragelinta qaawan ee ay wadaan xubno katirsan Dowladda Federaalka ee Muqdisho, iyo saameynta dagaalkii dhowaan ka dhacay degmada Beled-Xaawo.
Masuuliyiinta Waxaa si adag uga hadleen doorka kooxda Xasan Sheekh Maxamuud iyo faragelinta ay ku hayaan arrimaha gudaha ee Gobolka Gedo, taasoo lagu tilmaamay mid khatar ku ah xasilloonida iyo wadajirka Jubbaland. Xildhibaanadu waxay cambaareeyeen waxa ay ku tilmaameen “mashruuc lagu burburinayo nidaamka federaalka” oo laga abaabulayo Muqdisho laguna fulinayo Gedo.
Shirka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray falcelinta ku aaddan weerarkii dhowaan ka dhacay Beled-Xaawo, oo ay sheegayaan inuu ahaa mid qorsheysan oo ay maleegeen kooxo ka tirsan Villa Somalia, iyadoo la adeegsanayo Cidankii qaranka ee loogu talgalay in lagula dagaalmo Argagixisada.
Xubnaha labada Gole waxay si buuxda u taageereen ciidanka dowladda jubbalnd ee ku sugan gobolka Jubbaland, iyagoo ugu baaqay shacabka Gedo in ay garab istaagaan maamulka si looga hortago faragelinta socda.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







