
Ciidamada kala duwan ee Dowlad Jubbaland, Kumaandooska Danab, iyo qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa ku guuleystay in ay ballaariyaan waddada muhiimka ah ee xiriirisa Janaa Cabdalle iyo degmada Af-mafoow.
Ballaarinta lagu sameeyay waddadan ayaa door muuqda ka qaadan doonta fududeynta isku socodka bulshada ku nool deegaannadaasi, iyadoo waddadan si weyn ay u isticmaalaan dadka shacabka ah.
Dib-u-habeynta lagu sameeyay jidadkan ayaa sidoo kale kaalin weyn ka qaadan doonta yareynta fursadaha ay kooxaha argagixisada u helaan in ay ku dhuumaaleystaan deegaanka, kuwaas oo horey mararka qaar shacabka ku dhibaatayn jiray.
Intii uu socoday howlgalka waddo furista ah, waxaa ka qeyb qaatay dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada ammaanka Jubbaland iyo kuwa Xoogga.
Ciidamada kala duwan ayaa sidoo kale ka fuliyay howlgallo gaar ah deegaannada Orgiyoow, Qumbi, iyo tuulooyinka hoos taga deegaanka Dhasheeg Waammo.
Howlgalladaas ayaa lagu burburiyay saldhigyo ay lahaayeen kooxaha arxanka daran ee argagixisada, kuwaas oo halis ku ahaa amniga iyo xasilloonida deegaanka.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







