Qaar ka mida Shaqaalaha Cafimaadka Degmada Kismaayo oo manta tababar loo furay

947

Wasaarada caafimaadka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa manta magaalada kismaayo uga furtey tababar qaar ka mid ah howlwadeenada xarumaha caafimaadka ee magaalada Kismaayo.

Tababarkani oo socon doono muddo 5 casho ah ayaa waxa uu ku saab Sanaa sidii loo yarayn lahaa nafaqo darada iyo sidii loola tacaali lahaa caruurta iyo dadka nugul ee la il daran nafaqo yarida oo ka mid ah, wax yaabaha inta badan dadka u horseeda dhibaatooyin dhinaca cafimaadka .

Tababarkani ayaa waxaa inta uu socdo ka faa’iidaysan doona 30 shaqaale oo kala socda xarumaha cafimaadka ee magaalada Kismaayo.

wasaarada caafimaadka waxaa taabo galinta tababarkaan  ka caawinaysa hay’adda cunada aduunka ee WFP oo ka mid ah hay ‘adaha u dhaq dhaqaaqa latacaalida cunno yarida aduunka.

Cabdi Qaadir Mohammed Cali agaasimaha waaxda nafaqeynta wasaarada caafimaadka jubbaland oo war baahinta lahadley ayaa sharaxaad kabixiyey tababarkan.