Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Dowladda Jubbaland oo Howlgal Kafuliyay Jamaame iyo deegaano ku dhow dhow

0
220
Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Dowladda Jubbaland ayaa  fuliyay howlgal ballaaran oo laga sameeyay deegaano hoos yimaada Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka ayaa lagu burburinayay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta naf-lacaariga ah.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha booliska, howlgalka ayaa lagu fashiliyey qorshe ay maleeshiyaadku ku doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka deegaanka, kaddib markii ciidamada ay qarxiyeen miinooyin ay maleeshiyaadku dhulka ku aaseen si ay waxyeello ugu geystaan dadka rayidka ah.
Howlgalka ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo nabadgelyada iyo ka hortagga khatar kasta oo ay maleeshiyaadka Khawaarijtu ku hayaan shacabka Soomaaliyeed..