
Xaaladda Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo oo Deggan Ciidamada Jubbaland ayaana Gacanta Ku Haya Amniga Guud, Kadib Markii Shalay dagaal ay kusoo qaadeen degmada maleeshiyaad hubeysan oo ka Amar qaadanayay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa.
Maanta waxaa laga dareemayaa Magaalada degenaansho buuxda, iyadoo ciidamada ammaanka Jubbaland ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta goobihii lagu dagaalamay, kana shaqeynayaan xasilinta magaalada.
Ciidamada Jubbaland oo si geesinimo leh uga hortagay isku daygaas khal-khal gelinta amniga shacabka ahaa ayaa durbadiiba tallaabo adag ka qaaday falkaasi, iyagoo ku guuleystay in ay dib u soo celiyaan kala dambeynta iyo nidaamka sharciga ku dhisan. Waxaana la xaqiijiyey in dhammaan xaafadaha magaalada Baladxaawo ay maanta nabad yihiin, dadka deegaanka ayaana dib ugu soo laabtay ganacsigii iyo noloshii maalinlaha ahayd.
Saraakiisha ciidamada Jubbaland ee gobolka Gedo ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay wadaan baaritaanno iyo hawlgallo dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo in aan cidna fursad u helin inay mar kale khalkhal geliso amniga magaalada. Waxaa la adkeeyey kontaroolada laga galo magaalada, iyadoo laga hortagayo cid kasta oo rabta inay fidno abuurto.
Sidoo kale shacabka magaalada ayaa si weyn u taageeray doorka ay ciidamada Jubbaland ka qaateen difaaca magaalada, iyagoo muujiyey kalsooni buuxda oo ay ku qabaan awoodda iyo kartida Ciidamada Dowladda Jubbaland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







