
Taliyaha Guutada Labaad ee Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, G/sare Maxamuud Cabdi Cilmooge, ayaa shir kula qaatay magaalada Jana Cabdalle saraakiisha guutada labaad ee Daraawiishta Dowladda Jubbaland.
G/sare Maxamuud Cabdi Cilmooge ayaa saraakiisha ciidanka uga mahadceliyay guulaha ay ka soo hooyeen howlgalladii ugu dambeeyay ee lagula dagaallamay Khawaarijta, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyay. Taliyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in shacabka reer Jubbaland ay aad ugu faraxsanyihiin guulaha isdaba-joogga ah ee ciidanku ka gaarayaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta, iyo jabkii xooggaanaa ee ay u geysteen kooxahaas cadowga ah.
G/sare Maxamuud Cabdi Cilmooge ayaa saraakiisha kula dardaarmay in howlgallada la sii dardargeliyo lagana dhigo kuwo laba jibbaaran. Taliyaha ayaa si gaar ah ugu celceliyay muhiimadda ay leedahay in laga fogaado dhagarta Khawaarijta, lagana shaqeeyo sidii shacabka Soomaaliyeed looga badbaadin lahaa dhibka iyo argagaxa ay Khawaarijtu ku hayaan.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







