
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland ayaa Maanta Xukun ka soo saartay Kiis ay eedeysanayaal ka ahaayeen: Wali Cabdi yare dhuuboow iyo Maxamed Khadar Cusmaan Cabdullaahi oo kuwa eedeysan la shaqeynta Kooxda Khawaarijta.
Ku dhawaaqista Xukunka Maxkamada ayaa Waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Maxkamada Labadiisa Kuxigeen, Xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, Baarayaasha Kiiska iyo Qareenka Difaacayay eedeysanayaasha.
Eedeysanayaasha ayaa Fadhiyadii hore ee Maxkamada ka sheegay in ay qirsan yihiin in ay la shaqeeyeen Kooxaha Khawaarijta, Wali Cabdi yare Dhuuboow ayaa horay usheegay in uu xog bixin oga qeyb qaatay dilka 6-qof oo Kenyaan oo Xoogsato ahaa kuwaas oo kooxaha Khawaarijta ay ku dileen Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose halka Maxamed Khadar Cusmaan Cabdullaahi uu horay Maxkamada oga sheegay in uu ka tirsanaa Kooxda Khawaarijta isla markaana gacantiisa uu Bam-gacmeed ugu tuuray Guriga Gudoomiyaha Degmada Dhoobley kadibna Ciidamada Amniga ay Gacanta kusoo dhigeen.
Ugu dambayn Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim ayaa ku dhawaaqay Xukunka Maxkamada Waxa uuna Sheegay in Wali Cabdi yare dhuuboow iyo Maxamed Khadar Cusmaan Cabdullaahi ay yihiin dambiilayaal galay dambiga lagu soo eedeeyay sidaas darteedna Maxkamada ay ku Xukuntay: Dambiile Wali Cabdi yare dhuuboow 20-Sano oo Xabsi Ciidan ah Halka Dambiile Maxamed Khadar Cusmaan Cabdullaahi Maxkamada ay ku xukuntay 15-Sano oo Xabsi Ciidan ah Cidii aan ku qanacsaneen Xukunka Maxkamada Waxaa u Furan Racfaan ku siman inta Sharciga ogolyahay Sida uu Warbaahinta Usheegay Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Jubbaland.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






