Dowladda Jubbaland oo Dhoobley ka daahfurtay xarun Horumarineed oo fursad u ah dhalinyarada

0
309
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay degmada Dhoobley, taasoo lagu caleema-saarayay maamulka cusub ee hoggaanka dhalinyarada Degmada, oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada iyo Guddoomiyaha Ciyaaraha. Isla munaasabaddan waxaa si rasmi ah loogu daahfuray xarunta cusub ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Degmada Dhoobley.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda maamulka Degmada, wakiillada ururrada dhalinyarada, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Dhalinyarada ayaa si weyn u soo dhoweeyay, Xaruntan iyagoo ay ka muuqatay farxad iyo rajo horumarineed.
Guddoomiye ku-xigeenka degmada Dhoobley oo hadal ka jeediyay madasha ayaa sheegay in xaruntani ay noqon doonto il horumarineed, shaqo abuur iyo isdhexgal bulsho oo ay dhalinyaradu si buuxda uga faa’iideysan doonaan. Waxa uu dhalinyarada ku dhiirrigeliyay inay ka faa’iideystaan fursadaha horumarineed ee xaruntu bixineyso.
Sidoo kale, Taliyaha Amniga degmada Dhoobley oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa tilmaamay in xaruntani tahay bilow muhiim ah oo kor u qaadaya garaadka iyo jir dhiska dhalinyarada. Waxa uu xusay in Dowladda Jubbaland ay sii wadi doonto taageerada ay siiso dhalinyarada ku nool degmooyinka xuduudaha, si ay u helaan fursado ay noloshooda ku horumariyaan.
Xarunta cusub ee la daahfuray ayaa leh hool weyn oo loogu talagalay kulamo, tababaro iyo barnaamijyo wacyigelin ah. Sidoo kale, xaruntu waxay leedahay goobo lagu barto xirfadaha gacanta sida farsamada iyo dhaqaalaha yar-yar, taasoo qeyb ka ah mashruuca lagu kobcinayo dhalinyarada deegaanka.
Dhalinyarada degmada Dhoobley ayaa si weyn u muujiyay farxadda ay u qabaan xaruntan cusub, iyagoo sheegay in ay tahay fursad ay muddo dheer sugayeen, una arkaan albaab u furmaya mustaqbalkooda nololeed iyo xirfadeed.