Agaasimaha Guud ee W.Waxbarashada dowladda Jubbaland oo Ka Qaybgalay Shir Lagu Dardar-gelinayo Tayeynta Waxbarashada Soomaaliya

0
273
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubaland mudane Axmed Faarax Cali (Aweys), ayaa shir looga hadlaayo horumarinta iyo tayeynta waxbarashada soomaaliya uga qaybgalay magaala madaxda dalka ee Mogadisho.
Shirka ayaa lagu lafaguray in dugsiyada la keeno ardeyda waxbarashada bannaanka ka joogta gaarayna da’dii waxbarashada iyo sidii loo tayeyn lahaa loona horumarin laha waxbarashada dalka.
Agaasimaha ayaa sheegay in sababta keentay in ay carruurta waxbarashada gaaray ay bannaanka ka joogaan ay tahay dhaqaale la’aan iyo wacyigelin la’aan.