Xubno ka Tirsan Alshabaab oo lagu dilay gobolka Shabeelaha Hoose

541

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay  In ka badan 18 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay tiro kalena lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ay ka sameeyeen deegaanka Sabiid ee gobalka Shabeellaha Hoose.

 

Xubnaha la dilay ayaa Dawladu  sheegtay in ay saarnaayeen gaari nuuca loo yaqaano Dhaynada Sidoo kalena ay ku sugnaayeen Geedo hoostooda, waxana ay ka qayb qaateen Weerarkii shalay Alshabaab ay doonayeen inay ku qaadaan xero ciidanka Qaranka ay ku leeyihiin deegaanka Sabiid ee hoostaga degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose.

 

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in dhammaan xubnaha la dilay ay saarnayeen  Gaariga la beegsaday iyo kuwii  ku jiray dhulka keynta ah oo ku yaala degaanka Sabiid.