
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland ayaa Xukun ka soo saartay Dacwad Ciqaab aheed oo eedeysanayaal ka ahaayeen: Nasro Nuur Cusmaan, Xaawo Ibraahim Maxamed, Iqro Faarax Cabdinuur iyo Maryan Maxamed Aadan oo dhamaantood ku eedeysanaa inay Xogaha Ciidanka iyo Bulshada deegaanka Buulaxaaji u basaasi jireen Kooxaha Khawaarijta.
Fadhiga Maxkamada ayaa Waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Maxkamada Labadiisa Kuxigeen, Xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, Baarayaasha Kiiska iyo Qareenka Difaacayay eedeysanayaasha.
Dood dheer oo ay dhinacyada Dacwada ka yeesheen Kiiska 4-ta Gabdhood ayaa ugu Dambeyn Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim Waxa uu ku dhawaaqay Xukunka Maxkamada.
Kadib Markii Maxkamada ay qiimeysay Dooda Dhinacyada Dacwada, Sido kale Markii Maxkamada ay tixgalisay Duruufaha ku xeeran, 4-ta Gabdhood oo ay kamid tahay qaar kood in aysan qaan gaarin Waxa ay Maxkamada Ku Xukuntay in Dowladda ay geyso goobaha dhaqan Celinta si loogu sameeyo Wacyigalin iyo Daryeel iyo in Hay’adaha Amaanka ay kor kala socdaan Xaalada 4-ta Gabdhood.







![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







