Ciidanka dowladda Jubbaland oo Kaashanaya Kumaandooska Danab oo deegaanka Harboole ku khaarijiyay Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyaadka Khawaarijta

0
288

Ciidanka dowladda Jubbaland oo kaashanaya
Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano u dhexeeya Harboole iyo Miido, oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkaas ayaa lagu dilay horjoogayaal muhiim ah oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kuwaas oo ay ka mid yihiin Ibraahim Takay, Aadan Shabaab, iyo 7 xubnood oo kale.

Ciidanka halyeeyada waxa ay sidoo kale gacanta ku dhigeen gaari noociisu yahay Success, hub farabadan iyo rasaas ay wateen maleeshiyaadka la dilay.

Xubnahan ayaa ku howlanaa ururinta hanti baad ah ee laga qaadayay shacabka deegaanka, si ay ugu adeegtaan dano gaar ah oo lid ku ah nabadda iyo horumarka bulshada.

Howlgalka waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa dowladda Jubbaland, kuwaas oo mar kale muujiyay feejignaan iyo go’aan adag oo ay ku difaacayaan shacabka Soomaaliyeed iyo la dagaallanka Khawaarijta.