
Kulan si wadajir ah ay u soo qabanqaabiyeen ururrada dhalinyarada iyo haweenka heer degmo iyo heer gobol ayaa ka qabsoomay magaalada Kismaayo.
Kulanka waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Jubbaland, hogaamiyeyaasha ururrada bulshada rayidka ah, iyo marti sharaf kale.
Madash waxaa si weyn diiradda loo saaray doorka muhiimka ah ee haweenka iyo dhalinyaradu ku leeyihiin xoojinta nabadda, midnimada shacabka, iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah.
Ka qeyb galayaasha Kulanka ayaa bogaadiyay dowladd Jubbaland gaar ahaan madaxweyne Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayga oo ku ammaanay dadaalkiisa nabad iyo horumarka deegaanka.
Guddoomiyeyaasha dhalinyarada iyo haweenka ee heer gobol iyo degmo ayaa madasha ka jeediyay khudbado dhiirrigelin leh, iyagoo carabka ku adkeeyay sida ay ugu heellan yihiin horumarinta bulshada iyo ka qeybgalka geeddi-socodka nabadda iyo dowlad-dhiska.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







