
Ciidanka Booliska Gaarka ah ee hoos yimaada Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ayaa fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Sanguuni ilaa Buundada Araare.
Howlgalkaan oo qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga gobolka ayaa lagu beegsaday talisyo iyo saldhigyo ay Maleeshiyaadka Khawaarijta si qarsoodi ah ugu lahaayeen deegaannadaasi.
Saraakiisha Ciidanka Booliska Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid si gaar ah loo diyaariyay, islamarkaana Jabba xooggan Maleeshiyaadka lagu gaarsiiyay.
Ciidanka ayaa sidoo kale ku guuleystay burburinta xarumo istaraatiiji ah oo Maleeshiyaadka u isticmaali jireen abaabulka weerarrada iyo dhaq-dhaqaaqyada amni-darrada ah.
howlgalka ayaa ka mid ah howgallo isdaba jooga ag oo deegaanka looga sifeeymo Maleeshiyaadka Khawaarijta ee halista ku ah shacabka reer Jubbaland.
Saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka ayaa sheegay in ay sii wadayaan howalka ka dhan ah Maleeshiyaadka naf-lacaariga ah ee al shabab.
Qeybaha kala duwan ee ciidanka Dowladda Jubbaland oo kaashanaya Kumaandooska Danab ayaa todobayadii lasoo dhaafay waday howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka argagixisada khwaarijta ah ayga oo jab xooggan lagu gaarsiiyay deegano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.



