
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa degmada Afmadow si habsami leh uga socday howlaha ballaarinta iyo dayactirka wadooyinka muhiimka ah ee magaalada, kuwaas oo isku xira xaafadaha kala duwan.
Howshan ayaa ah mid ay si wadajir ah uga shaqeynayaan maamulka iyo bulshada degmada, taasoo muujinaysa isku duubni maamulka iyo Bulshada Afmadow ay ku doonayaan in ku hormariyaan Wadooyinka.
Guddoomiyaha Golaha deegaanka ahna Duqa Degmada Afmadow, Mudane Cabdiraxmaan Macallin Cali, oo ay wehliyeen Agaasimaha Maaliyadda degmada Najiib Axmed Yoos iyo Xoghayaha Dowladda Hoose Maxamed Halane Bashiir, ayaa maanta si rasmi ah u kormeeray islamarkaana u bilaabay dayactir lagu sameynayo wadada hormarta xarunta shirkadda Hormuud ee magaalada.
Wadadan oo muhiim u ah isu socodka gaadiidka iyo isku xirka bulshada magaalada ayaa horey u ahaa mid burbursan, taasoo caqabad ku ahayd isu socodka iyo adeegyada muhiimka ah.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay mas’uuliyiinta degmada ugu jiraan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo bilicda magaalada
Guddoomiye Cabdiraxmaan Macallin Cali ayaa sidoo kale baaq u diray qurbo-joogta reer Afmadow, isagoo ku booriyay in ay door muuqda ka qaataan dib-u-dhiska iyo horumarinta degmada.




