
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku soo xirtay kulan lagu xoojinayay kaalinta haweenka culimada ah ee nabadeynta bulshada iyo doorkooda ku aaddan ka mid noqoshada dalladda culimada Jubbaland.
Kulankan oo socday muddo 4 malmod ah ayaa diiradda lagu saaray sidii haweenka aqoonta diinta leh ay door muuqda uga qaadan lahaayeen geeddi-socodka nabadda, wacyigelinta bulshada iyo sidii loo kobcin lahaa doorkooda hoggaamineed ee arrimaha diinta iyo bulshada.
Intii uu socday kulanka, waxaa lagu lafaguray caqabadaha haysta haweenka culimada ah iyo fursadaha ay haystaan si ay u noqdaan cod muuqda oo la tixgeliyo.
Agasimaha Arimaha bulshada ee Gobolka jubbada hosse ayaa sheegay in muhiim ay tahay in haweenka culimada ah lagu dhiirrigeliyo ka qeybqaadashada howlaha diimeed iyo nabadeynta, maadaama ay door muhiim ah ka ciyaaraan barbaarinta iyo hanuuninta jiilasha cusub.
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jubbaland Maxamed Yuusuf Cumar ayaa haweynkan ku bogadiyaay in ay dadaalkan jogteyaan ayna halkan oga tagiin Aqoonta ay ka fa’iideen kulanka.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







