Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka oo Howlgal lagu qaarayey malleeshiyaad badan oo Khawaarijta ka tirsan ka fuliyey Jubbada Hoose.

68

Ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa shalay iyo maanta fuliyay duqeymo culus oo lagu bartilmaameedsaday saldhigyo iyo fariisimo ay kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Maqooqaha, oo qiyaastii 10km u jirta tuulada Bulo-xaji, una jirta magaalada Kismaayo 90km dhinaca waqooyi-galbeed.

Kooxda Khawaarijta oo isku uruursanaysay deegaanka Maqooqaha iyo nawaaxiga tuulada Xalima-cadey ayaa la xaqiijiyey inay wadeen qorshayaal weerarro gaadmo ah ku ah saldhigga ciidamada Daraawiishta ee Bulo-xaji. Si looga hortago khatartaas, ciidamada ayaa qaaday duqeymo degdeg ah oo si toos ah loogu beegsaday goobaha ay ku sugnaayeen horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta.

Duqeymahaas ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh’ Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada, waxaa lagu dilay 25 dhagarqabe oo 5 kamid ah ay ahaayeen horjoogayaal sare, halka 20-ka kale ay ahaayeen maleeshiyaad. Waxaa sidoo kale duqeynta lagu burburiyay afar gaari oo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen dhaqdhaqaaqyadooda iyo weerarada lagu beegsado shacabka Soomaaliyeed.

Hawlgalkan ayaa muujinaya feejignaanta, kartida, iyo dadaalka joogtada ah ee ay ciidamada Daraawiishta Jubbaland kuwa Xoogga iyo saaxiibadooda caalamiga ah ugu jiraan dabar-goynta kooxda Khawaarijta, si loo sugo nabadda, amniga, iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.