
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Jubbaland, Mudane Baddel Cabdi Jaamac, oo ay wehliyaan Agaasimaha Radio Kismaayo, Sade Cabdi Tahliil, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay wakiillo ka socday Hay’adda Caalamiga ah ee IOM.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray qorshaha dhismaha iyo ballaarinta xarunta cusub ee Radio Kismaayo, taasoo la filayo in si rasmi ah u bilowdo dhawaan.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa isla meel dhigay muhiimadda ay xaruntani u leedahay kor u qaadista adeegyada warbaahineed iyo xoojinta codka shacabka Jubbaland.
Xarunta cusub ee Radio Kismaayo ayaa door muhiim ah ka qaadan doonta gaarsiinta fariimaha bulshada iyo wacyigelinta dadweynaha.
Kulanka kaddib, mas’uuliyiinta wasaaradda iyo xubnaha ka socday hay’adda IOM ayaa kormeer rasmi ah ku tagay goobta loogu talagalay in laga dhiso xarunta cusub.
Agaasimaha Guud, Mudane Baddel Cabdi Jaamac, ayaa uga mahadceliyay hay’adda IOM taageerada ay siineyso horumarinta warbaahinta Jubbaland, isagoo xusay in Radio Kismaayo ay tahay tiir muhiim u ah xoojinta midnimada, horumarka bulshada iyo wacyigelinta dadweynaha.
Mashruucan cusub ayaa la filayaa in uu noqdo mid xoojiya awoodda warbaahinta Jubbaland, isla markaana furo fursado shaqo iyo horumarineed oo dheeraad ah.
Radio Kismaayo ayaa door muhiim ah ka ciyaartay wacyigelinta bulshada Jubbaland, iyadoo si joogto ah u gudbisa warar, barnaamijyo iyo macluumaad kor u qaadaya fahamka dadweynaha ee dowladnimada Jubbaland.