
Wasaaradaha Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha Dowladda Jubbaland ayaa si wadajir ah uga daahfuray degmada Doolow ee Gobolka Gedo mashruuca xog uruurinta qiimeynta qorshaha maalgalinta iyo horumarinta degmooyinka Jubbaland.
Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa ka qeyb galay maamulka degmada Doolow, Agaasimayaal Guud, hay’adaha ka hawlgala degmada, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Daahfurka mashruucan oo ah mid lagu qiimeynayo baahiyaha horumarineed ee degmooyinka Jubbaland ayaa lagu saleeyay sidii loo dejin lahaa qorshe istiraatiijiyadeed oo waxtar u leh dadka deegaannadaasi.
Beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada ka qeyb galay madasha ayaa si weyn u soo dhaweeyay mashruuca, iyagoo muujiyay rajo weyn oo ay ka qabaan in uu wax ka bedeli doono noloshooda. Waxay si gaar ah ugu mahadceliyeen Wasaaradaha Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha dadaalka ay u galeen hirgalinta mashruucan.
Dhanka kale, hay’adaha ka shaqeeya degmada Doolow iyo qaybaha bulshada ayaa ku baaqay in qorshahan uu noqdo mid waara oo lagu saleeyo xaqiiqooyinka dhabta ah ee ka jira dhulka miyiga iyo magaalooyinka si horumarka loo gaaro uu u noqdo mid waxtar leh oo waara.
Mashruucani wuxuu u gogol xaadhayaa kobcinta fursadaha horumarineed ee degmooyinka Jubbaland, iyadoo lagu saleynayo xog dhab ah oo laga soo aruuriyay dadka iyo deegaannada ay khuseyso.




