Wasaaradda Awqaafta Jubaland oo Kismaayo ku qabatay Shirka Madasha Wadahadallada Bulshada ee Dowlad-wanaagga

0
189
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay Shirka Madasha Wadahadallada Bulshada ee Dowlad-wanaagga.
Shirka oo si rasmi ah u daahfuray Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Jubaland, Mudane Maxamed Yuusuf, ayaa lagaga hadlay dowlad-wanaagga iyo kaalinta uu Islaamku kaga jiro.
Waxaa ka soo qayb galay xubno katirsan Golla Wakiilada Jubaland, Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Dowladda Jubaland, guddoomiye-ku-xigeennada guddiyada shaqada iyo shaqaalaha rayidka, Gudoomiyahab Bulshada Rayidka, JUNSA, Guddiga culimada, iyo marti sharaf kale.
Muxaadarrooyin ku saabsan shaqada dowladnimo iyo dowlad-wanaagga ayaa waxaa soo jeediyay xubnaha guddiga culimada oo ay ka mid ahaayeen: Sheekh Cali Nuur, Sheekh Axmed Siiro, Sheekh Jaamac Saleebaan, Sheekh Mahat iyo Sheekh Cabdirashiid. Culimadu waxay ugu baaqeen dhammaan shaqaalaha dowladda in Alle laga cabsado shaqada ay hayaan, isla markaana ay ku shaqeeyaan cadaalad.